
Electricity is Not a Luxury
Qalinkii Prof. Nassir Hussein Kahin, Tafatiraha Maamulka Bridgingsomaliland. Turjubaan: Abdillahi Hassan Mohamed, Hargeysa, Somaliland.
Magaalada Hargeysa, caasimadda Somaliland, waxaa si aamusnaan ah uga socda dagaal maalinle ah—mid ay dadku kala kulmayaan gudaha guryahooda madow iyo meelaha shaqo ee qudhiisa iftiin la’aan ah. Qoysas, ganacsato yaryar, arday iyo dadka danyarta ah waxay la daalaa dhacayaan biilal koronto oo aad u sarreeya—kharashaad ka baxsan isticmaalka dhabta ah, isla markaana aan la fahmi karin sababta korontada u qaali noqotay.
Qiimaha korontada ee Hargeysa wuxuu marayaa heerar aad u sareeya—illaa $1 halkii kilowatt saacaddii—taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah qiimaha ugu qaaliya adduunka. Balse arrintu waxay dhaaftay cabasho dhaqaaluhu sababay. Waxaa muuqata in nidaamka korontada Hargeysa uu noqday mid cilladaysan, isla markaana ay ka dhex shaqeeyaan shirkado gaar ah oo aan la xakameyn, kuwaas oo ku shaqeeya si aan xeer iyo sharci midna lahayn.
Shirkado koronto oo badan ayaa si madax-bannaan u shaqeeya—iyagoo iska dhigaya qiimaha ay doonayaan, adeegsanaya mitirro ay iyagu keensadeen, una sameeya macaamiisha shabakad gooni-gooni ah. Waxaa la sheegayaa in qaar kamid ah shirkadahani ay ku kacayaan falal sharci-darro ah sida in ay wax ka beddelaan mitirrada, koronto si ula kac ah kor loogu xiro, ama xadhkaha la isugu dhex daro si loogu kordhiyo isticmaalka been abuurka ah.
Waxaa dad badan bilaabeen in ay mitirro ka soo iibsadaan waddamo kale sida Itoobiya, Jarmalka ama Imaaraadka, kadibna ay arkeen in biilalkoodii si lama filaan ah u yaraadeen. Tani waxay muujinaysaa in mitirradii hore laga yaabo inay si ula kac ah u qaldanaayeen. Qof ku nool xaafadda 26-June ayaa yidhi:
“Markii aan mitir Jarmal ah soo iibsaday oo aan beddelay kii shirkaddu keentay, biilkaygii waxa uu hoos ugu dhacay kala bar. Waxaan isticmaalayay isla qalabkii hore. Taas micnaheedu waxa weeye mitirkii hore wuu i xadayay.”
Waxaa hadda magaalada si weyn loogu faafinayaa hagis dadweyne oo la yiraahdo “Hagaha Bulshada: Sida Loo Ogaado Xatooyada Korontada / Community Guide: How to Detect Electricity Overcharging.” Hagahan wuxuu dadka baraa sida loo akhriyo mitirka, loo is barbar dhigo isticmaalka deriska, loo ogaado haddii mitirku dhaqaaqayo xilliyada aan waxba daarneyn, iyo sida looga fogaado mitirro horay loo sii barnaamij gareeyey oo aan la hubin.
Haguhu sidoo kale wuxuu dadka uga digayaa khiyaamooyinka caanka ah ee ay adeegsadaan shirkadaha qaarkood, sida: barnaamijka mitirka oo la beddelo, koronto aad u sarreeya oo si khasab ah loo soo daayo, iyo xadhkaha mitirka oo si khaldan loo habeeyo si loogu qaldo akhriska. Waxa kale oo uu dadka ku dhiirrigelinayaa in ay si joogto ah u qoraan akhriska mitirkooda, oo ay hubiyaan mitirka cusub marka shirkad cusub la isugu wareegayo.
Inkastoo hagahan iyo wacyigelin bulshada laga wado ay yihiin tallaabooyin muhiim ah, haddana ma filayaan baahida taagan. Sida saxda ah ee wax looga qaban karo arrintani waa in shacabka laftiisu ay u dhaqmaan si wadani ah oo wacyi leh. Waxaan si toos ah ugu baaqayaa dhammaan akhristayaasha in ay la xiriiraan xildhibaanadooda baarlamaanka, isla markaana ay ka codsadaan in si degdeg ah loo meel mariyo sharci lagu hago nidaamka korontada. Arrintani maaha dhibaato qofeed oo kaliya—waa musiibo qaran oo saameynaysa qoys walba, ganacsi walba, iyo mustaqbalka dalka laftiisa.
Baarlamaanku waa inuu si degdeg ah u ansixiyaa sharci dhammaystiran oo:
• Shatiyo siiya shirkadaha korontada,
• Xeerinaya mitirrada iyo qiimaha korontada,
• U oggolaanaya hay’ad madax-bannaan inay kormeer ku samayso,
• Isla markaana ciqaabta shirkadaha lagu helo khiyaamo ama tacadi ku saleysan isticmaalka dadka.
Dadweynuhu waxay u baahan yihiin in la ilaaliyo—laakiin ilaalintan ma iman doonto ilaa codkooda laga maqlo meelaha go’aanka laga gaaro. Waxaa la joogaa waqtigii ay shacabka reer Somaliland si cod dheer uga dalban lahaayeen xildhibaanadooda in korontadu noqoto mid la jaanqaadaysa nolol maalmeedka, la qiimeeyo xaqiiqada dhaqaalaha shacabka, oo aan noqoneyn ganacsi lagu dulmanayo dadka aan lahayn cod.
Korontadu ma aha raaxo—waa baahi. Waa xorriyad nololeed. Waxaa layaab leh in aynu raadineyno aqoonsi caalami ah, halka gudaha dalkayaga ay dadku ku kororsoonayaan shabakad koronto oo lunsan, dulmi badan, oo aan cidna ka jawaabin. Haddii baaqa shacabka la iska indho tiro, waxa lumin doona kalsoonidii shacabka iyo horumarkii dalka.
Haddaba, haddii aad aragto mitirkaaga oo dhaqaaqaya xilli wax walba dansan yihiin, ama aad deriskaaga ka yar bixiso adigoo isticmaalaya wax ka badan, ha caban kaliya—wac xildhibaankaaga. U sheeg in dalka u baahan yahay sharci, caddaalad, iyo isla xisaabtan.
Dalka waxa uu u baahan yahay iftiin—laakiin marka hore, ha la shido iftiinka garsoorka, sharciga iyo dadnimo.
Submit Pour Post Below & Have Your Say: