
Thank You, Senator Ted Cruz
Waxa Qoray: Prof. Nassir Hussein Kahin, Falanqeeye Siyaasadeed, Qoraa Arrimaha Caalamiga ah iyo Tifaftiraha Maamulka Wargeyska bridgingsomaliland.com
“14-ka Agoosto 2025 — waa maalin taariikhi ah oo safarka aqoonsiga Somaliland ah. Senator-ka Maraykanka Ted Cruz ayaa u qoray Madaxweynaha Donald Trump, isaga oo ku baaqay in si rasmi ah loo aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo lagu xadidayo xuduudihii 1960-kii.
Tani ma aha warqad keliya — waa caddeyn muujinaysa in siyaasaddii ‘Hal Soomaaliya’ ay dhimatay, Somaliland-na aysan ahayn gobol gooni isku taag ah, balse ay tahay qaran dib loo soo celiyey oo hore u helay aqoonsi caalami ah.
Erayada Senator Cruz waxay dedejin karaan sharciyada horay ugu socda Golaha Kongareeska, si ay ugu soo gaadhaan miiska Madaxweynaha.
Wuxuu tilmaamay xasilloonida dimuqraadiyadeed ee Somaliland, goobteeda istaraatiijiga ah ee Badda Cas, iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay la dagaallanka argagixisada iyo amniga badaha.
Senator Cruz iyo xubnaha Kongareeska ee nala jira — waxaan leenahay waad ku mahadsan tihiin. Taariikhdu way xusi doontaa geesinimadaada.”